Xulka kubadda Cagta Somalia Oo Zimbabwe U Tagay Is-aragii Labaad Ee Ciraaraha Isreeb-reebka.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo guul Taariikhi ah ka gaaray Xulkii Zimbabwe lugta koowaad ee isreebreebka Koobka Aduunka oo ka dhacay Dalka Jabuuti ayaa magaalada Magaalada harare ee Dalka Zimbabwe, waxayna ciyaari doonaan lugta 2-aad

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Maxamed Aadam Jimcaale Koofi qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu ku sheegay in kalsoooni weyn ay ku qabaan xulkeenna in guul kale oo Taariikhi ah ay ka gaaran Lugta labaad.

“Kubaddu waa cad iyo madow kalsooni weyn ayaannu ku qabnaa Xulka Qaranka Soomaaliya sida geesinimada leh ee ay Calanka u difaacayaan wiilasheena” ayuu yiri Col. Maxamed Aadam Jimcaale Koofi.

Ciyaartooyda iyo Macallimiinta Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa 1-0 kaga adkaaday xulka Zimbabwe, kadib ciyaar is-reeb-reeb ahayd oo ku dhexmartay Dalka Jabuuti, taasoo loogu diyaar garoobayo Koobka Adduunka ee 2022 oo ka dhici doono Dalka Qatar.