Xulka kubada Cagta Somalia Oo Galabta Laga Reebay Isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Kooxda kubadda cagta Soomaaliya ee taariikhda sameysay ayaa ka hartay isreebreebka koobka adduunka 2022, kaddib markii ay guul darro kala kulmeen xulka kubadda cagta Zimbabwe.

Soomaaliya ayaa 1-0 kaga soo adkaatay lugtii hore, waana guushoodii ugu horreysay abid ee isreebreebka koobka adduunka.

Zimbabwe ayaa ku guuleysatay 3-1 lugtii labaad iyadoo labo gool ay dhalisay daqiiqadihii ugu dambeeyay.