Xoola-dhaqato Qori-caradii Alshabaab kaga soo Ceshaday Xoolo ay Xoog Uga Qaateen.(Sawiro)

Shacabka ku dhaqanka Deegaanka Yabyab ee duleedka Magaalada Xudur ayaa ka dhiidhiyay xoolo ay xalay Ururka Al Shabaab ka kaxeysteen dadka deegaanka, waxayna bilaabeen in ay hubka qaataan.

Shacabka oo si iskood ah isu soo abaabulay ayaa maanta maleeshiyada Ururka Al Shabaab kula dagaalamay Deegaankaasi Yabyab ee degmada Xudur ee gobolka Bakool, waxaana la sheegaya in ay xoolahooda dib ugu soo ceshteen maleeshiyada Al Shabaab, waxaana kolkii dambe halkaasi gaaray Ciidanka Xoogga Dalka oo gurmad ahaan uga baxay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

C/laahi Aadan Maxamed oo ah hoggaamiyaha shacabka u istaagay inay Shabaabka la dagaalamaan ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen dhibaatada joogtada ahi, ee Shabaabku ku hayaan bulshada deegaanka.

C/laahi Aadan oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa yiri “Waxaan u adkeysan weyney dilka, gowraca iyo dhaca joogtada ah oo ay noo gaysanayan Al Shabaab, ka dib waxaan go’aansanay in aan u hub uruursano oo aan la dagaalano, arrintaasna waan ku guuleysanay.”

Ugaas Cali Dirir oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee dadka deegaanka ku dhiirageliyay inay Al Shabaab la dagaalamaan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay dagaalka sii wadaan.

Ugaas Cali Dirir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadka reer Yabyab ay la baxayn magaca ah (Cali Qaran), waxayna dadka Shabaab la dagaalamaya ay u badan yihiin kuwo da’ ah.

Dadka ku dhaqan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya qaarkood ayaa hubka u qaatay, sidii ay isaga difaaci lahaayen maleeshiyada Al Shabaab.