Xoog, Xadhig Iyo Xiisad Maalintii 2aad Ka Aloosan Godka Shaqinka Ee Boorama

Maalintii labaad ayaa shirkadaha qashinka ee Boorama oo taageero ka helaya ciidamada booliska iyo dawlada hoose  ay awood u isticmaaleen dadka ku dhaqan xaafada Faaraxyo ee dacalka Boorama oo is hortaagay in qashinkii magaalada laga guray lagu shubo godkii qashanka loogu talo galay oo ku yaala xaafadahooga.

Hawlgalkan awooda loo isticmaalay oo noqonaya kii labaad ee noociisa ah oo labadii maalmood ee u dambeeyay si xidhiidh ah loo fuliyay ayaa waxa lagu xidh-xidhay dad haween iyo dhalinyaro u badan waxana qaar ka mid ah dadka xaafadaas oo shabakada la hadlay ay u sheegeen dareenka dadka xaafadaas iyo waxa ay ka biyo diidsan yihiin, iyaga oo ka gaabsaday inay magacooda xusaana waxay yidhaaheen

“Xaalka aduunka waad la socotaan maanta, coronavirus ayaan ka baqaynaa in aan qashinka lagu shubayo godkan ka qaadno, hadii uu godku shalay ahaa mid magaalada ka fog maanta magaaladii way gaadhay, waxa aan kala hadalnay Dawlada Hoose inay godkan naga raraan, balse balantii uu nooqday Maayar Saleebaan waxa ay noqotay been-been ku xalli, wayna fashilantay, waxana ay dadku go’aansadeen in ay is hortaagaan qashinka, balse xoog ayaa loo isticmaalay oo waa la kala kaxeeyay maalintii labaad, dad badan oo haween u badan ayaana la xidh-xidhay”

Dhinaca kale ilo wareedyo u dhuun daloola xiisdan godka qashinka ee Boorama ayaa sheegay in maanta ay kulan yeesheen badhasaabka, taliyaha qaybta, duqa degamada Boorama iyo gudida xaafadaasi, gundhigii kulankana ay noqotay in mudo 4 maalmood ah oo ku eg salaasada soo socota in lagu joojiyo qashinka lagu qubo godkaas ku yaal xaafadaha Faaraxyo.

Ma aha intan oo kaliya balse duqii hore ee degmada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane oo xiisada godkan wax ka ogaa ayaa badhasaabka gobolka Awdal dusha u saaray guul-darada ku habasatay in god kale la helo si qashinka loogu qubo, waxana uu intan daba dhigay in kharashkii loo qoondeeyay godka cusub ay madaxda D/Hoose oo fasax ka haysata Wasiirka Arimaha gudahu u isticmaashay dhinaca jidadka iyada oo ay dulucdoodu tahay inay ka meeraytaan xalinta dhibta uu godkaasi ku hayo dadwaynaha.

“Masuuliyad darada Maayar Saleebaan iyo Marmarsiiyaha Badhasaab Cabdi Axmed oo isbiirsaday ayaa mushkilad ku ah godkaas raritaankiisa, balse maanta xaalku sidii hore ma aha oo caabuqan Covid-19 ee laga cabsi qabo ayaa xalka soo dadajinaya, waxana ay ku qasbann yihiin in gadoodka dadka ay si ku haboon uga jawaabaan”

“Maxaan u hogaansanaa fariimo caafimaad oo ka digaya corona, maxaan ilaalinaa nadaafad si aan corona uga hortagno, hawadii, degaankii iyo dariskiiba waxa wax yeelay godkan lagu qubayo qashinkii magaalada oo dhan, godkaas    ayaa niyad jab iyo quus nagu keenay nana dareen siiyay in cid naga musuul ah oo noo damqanaysaaba aanay jirin” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka xaafadaas.