Xisbiyada Mucaaridka Oo Dacwad ka Dhan ah Taliyaha NISA U Gudbiyey Farmaajo(Akhriso)

Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa dacwad ka dhan ah Agaasimaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin u gudbiyey Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraalka Madasha oo ku taariikheysnaa 19 bishan Abriil ayaa lagu xusay eedeymaha Fahad Yaasiin loo heysto ay ka mid yihiin wararka sheegaya in heyadda NISA iyo xubno ka tirsan al-shabaab ay leeyihiin wada shaqeyn hoose kuwaasoo ay baahiyeen warbaahinta Kenya qaarkood inkastoo dowlada Somaia ay beenisay arintaas.

Sidoo kale Madasha ayaa sheegtay iney ka xun tahay in NISA laga sifeeyey ciidamadii iyo saraakiishii loo tababaray arrimaha sirdoonka Qaranka loona gacan geliyey hogaankeeda shaqsiyaad leh dano siyaasadeed oo gaar ah.

HOOS KA AKHRISO