Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Magacaabay Guddi Baara Dhibtii ka Dhacday Mudaharaadkii

Xisbiyada mucaaradja Somaliland ee WADANI & UCID ayaa Magacaabay Guddi ka kooban Sagaal Xubnood, kuwaas oo baaritaano ku sameeynaya dhibaatooyinkii Xukuumadda Somaliland u geystaya dadkii banaanbaxa dhigayay todobaadkii la soo dhaafay.

Qoraal kasoo baxay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland laguna Magacaabay Guddiga ayaa sidoo kale lagu soo cadeeyay sababta ay Guddigaan u Magacaabeen, taas oo lagu sheegay dhowrkana qodob ee kala ah.

Maadaama oo ay socdaan bannaan-baxyada nabadgelyo oo ay Xukuumaddu xoog xad-dhaaf ah iyo xabad nool u adeegsatay dadkii shicibka ahaa ee isu soo baxay, taas oo ay ka dhalatay dhimashadii iyo dhaawacii ugu badnaa ee abid ka yimaadda Mudaharaad silmi ah.

Isabahaysiga Mucaaradka ah ee Xisbiyada UCID iyo WADDANI, iyaga oo ka duulaya tacaddiyaddi iyo khasaarihii loo geystay Shacabka isu soo bixii nabadgelyo ee ka qabsoomay dhammaan Gobollada Somaliland Khamiista ee ay taariikhdu ahayd 11* Aug 2022.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyaga oo dareensan falalkii lagula kacay

Muwaadininta in ay ahaayeen ku takrifal awoodeed, ku tumasho Xuquuqal Insaan iyo caburin dareenka iyo doonista dadweynaha oo loo adeegsaday Awooddii Qaranku wada lahaa.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyaga oo tixgelin weyn siinaya amuurahaas xaga sare ku xusan, ilaalinta Xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta reer Somaliland, waxa ay u magacaabeen Guddidan hoos ku xusan in ay noqdaan Guddi baariseed oo warbixin dhammaystiran ka soo diyaarisa tacaddiyaddii Xukuumaddu u geysatay Shacabkii isugu soo baxay bannaan bixii nabadeed, kuwaas oo kala ah.

1: Xildhibaan Sicid Maxamed Ismaaciil (Sokeeye)

2: Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun

3: Xildhibaan Golaha Wakiilada WADDANI Xildhibaan Golaha Wakilada WADDANI

4-Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir Mooge Xildhibaan Golaha Wakiilada UCID

5- Xil Axmed Khaliif Jaamac Saalax Xildhibaan Golaha Wakilada UCID

6-Mudane Maxamuud Aadan Jaamac Galaal Xoghayaha Waraafinta Xisbiga WADDANI

7 Marwo Aamina Cilmi Fariid Guddida Fulinta Xisbiga UCID

8 Mudane Yoonis Axmed Yoonis Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI

9 Xil Siciid Cabdisamad Axmed (Cudhay) Mudane Golaha degaanka Hargeysa Xisbiga UCID

Garyaqaan Maxamed Saalax Cige Garyaqaanka Xisbiga WADDANI

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horay ugu eedeeyeeyay inay mas’uul ka yihiin madaxda Xisbiyada mucaaradka ah ee WADANI & UCID dhibaatadii ka dhalatay bannaanbaxyada looga soo horjeedo Xukuumadda Somaliland.

(Visited 4 times, 1 visits today)