Xisbiyada Ilmo Sheekh Oo Maanta ka Shiray Muranka Doorashooyinka Dalka Somaliya.

Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) ayaa maanta yeelatay shirkeedii todobaadlaha ahaa kaasoo ku qabsoomay qaab fogaan arag ah, waxaana guddoomiyey Guddoomiyaha Madasha Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shirka oo ayaa looga hadlay xaaladda Dalka gaar ahaan doorashooyinka.

Waxaa aad loo falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in Dalka ay ka dhacdo doorasho aan waqtigeeda dhaafin, loona dhan yahay geeddi socodkeeda, ayna qayb ka yihiin dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda, waxaana Madashu muhiim u aragtaa in laga fogaado xilligaan muddo xileedka madaxda Dowladda Federaalku uu gabaabsiga yahay wax kasta oo keeni kara khilaaf, kala fogaansho siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaadda Dalka.

Iyada oo laga duulayo geeddi socodka siyaasadeed iyo in si xasillooni ah looga gudbo xilligan kala guurka ah ayaa shirku bogaadiyay soona dhaweeyay dadaalka ay Madaxda Madashu isugu soo dhaweynayso Guddoonka labada aqal ee BFS.

Ugu danbayntii, waxay Madashu sidoo kale horay usoo dhawaysay shirka uga furmay Dowlad Goboleedyada, Magaalada Dhuusomareeb, waxayna Madashu taageersan tahay wadahadal kasta oo keeni kara is-fahan, loogana baaqsan karo qalalaase siyaasadeed.