Xisbiga Jamhuuriga Oo ka Hor-yimid Dalabkii Trump Ee Dibu Dhigista Doorashada Maraykanka.

Xubnaha sarsare ee xisbiga Jamhuuriga ayaa ka soo horjeestay soo jeedintii madaxwayne Donald Trump ee ahayd in dib loo dhigo doorashada Mareykanka ee bisha November.

Hogaamiyaha aqlabiyada aqalka Sanetka Mitch McConnell iyo hogaamiyaha xubnaha laga tirada badan yahay Kevin McCarthy ayaa labaduba ka soo horjeedsaday fikirka ah in doorashada dib loo dhigo.

Mr Trump awood uma laha in uu doorashada dib u dhigo, maadaama dib u dhig kasta oo dhaceysa ay tahay in Kongareska ay ansixiyaan.

Madaxwayne Trump ayaa sabab uga dhigay baaqiis dib u dhigidda in ku codeynta boosatada ay sababi karto wax sidabamarin.

Ma jirto ilaa iyo imika cadeyn uu Trump uu u hayo in doorashada haddii la qabto ay wax-isdabamarin dhaci karto.

Madaxda gobolada ayaa doonaya in codeynta ay u dhacdo qaab boostada ay dadka ku soo codeynayaan sababo al xiriira feyriska Corona.

Sanatar McConnell ayaa sheegay in waligeed aysan dhicin in doorashada Mareykanka dib loo dhigo, isagoo arimahan ka ka hadlayaa ayaa yiri.”Waligeed taariikhda dalkan iyada xitaa ay jiraan dagaalo, caqabado iyo dagaal sokeeye dib loogama dhigin doorashada waqtigeeda, balse waanu heleynaa qaab aan u sameyno doorashada 3 november,”ayuu yiri.

Sanatar Lindsay Graham oo aad u taageera madaxwayne Trump ayaa yiri”ma ahan fikir wanaagsan” Hasa yeeshee xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Pompeo ayaa diiday in arrintan uu ka hadlo.

Sikastaba ha noqotee in xeerkan wax laga baddalo ayaa waxay u baahan tahay inay ansixiyaan Aqalka Congress-ka ee ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga iyo waliba Aqalka Senate-ka ee ay maamulaan xisbiga Jamhuuriga.