Xildhibaano Lala Xiriirinayo Jabhadd ka Dillaacday Bariga Awdal Oo Lagu Xiray Borama.

Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay sadax xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Boorama.

Ciidamada Booliska ee magaalada Boorama ayaa barqadnimadii maanta xabsiga dhigay sadax xildhibaan, xili ay ku sugnaayen mid kamid ah huteelada ugu waaweyn ee magaalada Boorama.

Xildhibaanadan ayaa xiray, iyadoon wax waaran qabasho ah loo sidan, isla markaana xasaanad leh ,kuwaasoo kala ahaa: Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada, Xildhibaan Maxamed Muxumed Faarax Dheerayste, Xildhibaan Mustafe Xasan (Xayte).iyo Xildhibaan Mustafe Indhosheed.

Xildhibaanadan ayaa waxa loo xiray arrimo la xidhiidha Jabhad la sheegay in dhowaan ka dilaacday deegaanada Dilla, iyadoona halkaasi ka wada dad urursi, isla markaana lagu tobabaro deegaanadaasi oo ah bariga gobolka Awdal, sida ay sheegeen qaar kamid ah ehelada Xildhibaanada la xiray.

Ma cada sababta dhabta ah ee loo xidhay xildhibaanadan mana jirto wax war ah oo ku saabsan xadhiga xildhibaanadan oo kasoo baxay laamaha amniga iyo maamulka gobolka Awdal.