Xildhibaano ka Tirsan Barlamanka Ugand Oo Laga Hor-istaagay Goobo Dadka Lagu Jir-dilo.(Sawiro)

Xildhibaanno ka tirsan guddiga xuquuqda aadanaha ee barlamaanka Uganda ayaa la iska hortaagay inay gutaan shaqadooda ku aadan ka wardoonka guryo la sheegay inay ciidamada amnigu u isticmaalaan jirdilka dadka ay soo xidhaan, kadib markii ay cabasho ka soo gaadhay dadka ay baarlamaanka ku matalaan.

Guryahan oo ku yaala caasimada Uganda ayaa dadka degaanku waxa ay ku tilmaameen kuwo ay qaylo dheer ka soo yeedho, una maleeyaan inuu jin ku shaqayso, isla markaana ay ka baqaan agmarkooda, waxana guryahan cabsida ku abuuray dadku ay u egyihiin guryaha kale ee dadka maxaliga ah ay dhistaan.

Mid ka mid ah culimada muslinka ah ee Uganda ayaa sheegay in 4 jeer oo ka mid ah 6 jeer oo ay ciidamada amnigu xidheen ay geeyeen guryahan isla markaana lagu jir dilay.

Dawlada Uganda ayaa qoratay inay jiraan guryo gaar ah oo ay u isticmaashio arimo sirdoonka la xidhiidha, waxana ay beenisay in guryahan lagu jir dilo dadka lagu xidho.