Xildhibaanada Jubbaland Oo Bilaabay kulamo ka Dhan ah Dowladda Fadaraalka Ee Somaliya.

Xildhibaannada golaha wakiillada dawlad goboleedka Jubbalaand ayaa bilaabay kulamo ay sheegeen in ay kaga hadlayaan ku dhaqanka dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka ee ay caadeysatay inay Baalmarto xukuumadda Federaalka Soomaaliya taas oo gabi ahaanba meesha ka saartay xeerarkii uga daganaa xiriirkii kala dhexeeyey wada shaqaynta dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada dalka.

Kulamadan oo socon doona muddo 3 maalmood ah waxaa fariimo kala duwan loogu dirayaa beesha caalamka, xukuumadda Soomaaliya iyo dhammaan dawlad goboleedyada dalka waxaana looga gola-leeyahay in beesha caalamka loo caddeeyo qodobbada dastuurka ee ay baal martay dawladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana maalintiisii koobaad ee kulanka lagu dhaliilay hab dhaqankan xukuumadda dhexe oo ay ku tilmaameen in ay caadeysatey in ay ku burburiso dhamaan shuruucdii kala dhaxeysey dawlad goboleedyada dalka.

Ugu horayn waxaa madasha ka hadlay isla markaana shirka furay guddoomiyaha baarlamaanka dawlad goboleedka Jubbaland, mudane Cabdi Maxamed Cabdi, wuxuuna tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay ku tumashada dawladda Federaalka ee shuruucda dalka.

Intaa kadib waxaa madasha ka hadlay xildhibaanadii ka soo qayb galey shirka waxayna aad uga hadleen hab dhaqanka aan hor socodka lahayn ee ay caadaysatay xukuumadda dhexe.