Xildhibaan ka Hadlay Ganaax Loogu Riday Ansixintii Wasiirka Ee ay ka Bexeen.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha gudoomiye Baashe ganaaxa saaray ayaa warbaahinta uga waramay sababaha keenay ganaaxa ku dhacay.

Xildhibaan Nacnac oo ka hadlaya sababta ganaaxiisa ayaa waxa uu yidhi “Horta waligay ma ihi ninka habsaamay oo shahaado sharaf ayaaba laygu siiyey baarlamaanka, laakiin ninkan la ansixinayo ee wasiirka warfaafinta ayaan uga soo baxay golaha waanan diidanahay markaa kab iyo xaarkeed waa laysku tuuraa oo wasiir maaha waana nin liita oo waa babqaa wixii lagu shubto ayuunbuu sheegaa, afhayeena ka xun dawladan xaaji muuse ayaanu ka tirsan yahay waligayna haddii laygu eedaamayo ansixin maayo.”