Xiisada U Dhaxeysa Puntland iyo Somaliland Oo Maanta ka Taagan Deegaano ka Tirsan Sool

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo ku hubaysan Gaadiidka Dagaalka ayaa gaaray degaanno ka tirsan Cayn xilli wefdi ka socda Puntland uu ku suganyahay Magaalada Buuhoodle.

Ciidamada Somaliland oo markii hore watay 9 Gaadiidka Dagaalka ah ayaa geereen deegaanka loo yaqaanno Tuula Samakaab oo qiyaastii 40 KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool sida dadka deegaanka ku warameen.

Maleeshiyaad kusugan duleedka Buuhoodle, horeyna ula wareegtay Somaliland ayaa diiday in wafdiga Puntland ee shalay tagay magaaladaas ay u gudbaan degaanka Horufadhi oo ay saaka aadi lahaayeen.

Ciidankan ayaa gaadiidkooda dagaalka geeyey wado muhiim ah oo ay mari lahaayeen wafdigan, waxayna sheegeen in aysan aqbaleynin, rasaas ayaana laga maqlay gudahooda ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa doonaya in laga hortago colaad cusub, iyadoo mid beelood la xalinayo.