Xiisad ka Dhex Qaraxday Ciidamo ka wada Tirsan Somaliland Oo ka Taagan Gobolka Sool.

Wararka laga helayo duleedka magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ku waramaya in maanta halkaas ay ka taagantahay xiisad u dhaxeysa ciidamo ka wada tirsan maamulka Somaliland.

Xiisadan ayaa timid kadib markii deegaanka Gaajo-cade oo duleedka magaalada Laascaanood lagu xiray taliye ku xigeenkii qeybta 7aad ee ciidamada maamulka Somaliland.

Ciidamadii daacadda u ahaa Taliye ku-xigeenka qeybta 7aad ee ciidamada Somaliland Ibraahim Ashkir ayaa la sheegay in ay ka caroodeen go’aanka xabsiga loogu dhigay Sarkaalkaas isla markaana dalbadeen in alsii daayo hadii kalana ay dagaal bilaabi doonaan.

Warar lagu kalsoonaan karo aya sheegay in Taliyaha qaybta 7-aad ee Ciidamada Sooaaliland Korneyl Mahad Cambaashe ayaa la shaaciyey in uu amray xariga taliye ku xigeenka qaybta 7-aad ee ciidamada Somaliland Ibraahim Ashkir.