Xaaska Prof.Cabdiwahaab Oo RW Rooble ku Eedeeyay Afduubka Ninkeeda Loogu Gaystay Nairobi.

Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo warbaahinta kula hadashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegtay in afduubka seygeeda Aqoonyahan Cabdiwahaab ay ogaadeen inuu ku lug-leeyahay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Maalinkii Arbacada ee lasoo dhaafay ayaa Prof. Cabdiwahaab laga afduubtay bartamaha magaalada Nairobi oo uu deganaa, waxayna xaaskiisa iyo walaashiis warbaahinta u sheegeen in aysan garaneyn illaa hadda halka lagu hayo Cabdiwahaab.