Xaaska Madaxweynihii la Dilay Ee Haiti Oo Dib Ugu Noqotay Hoygeedii.

Martine Moïse oo hore loogu dhaawacay weerarkii bishan July 7-dii lagu dilay Saygeeda, Jovenel Moïse ayaa la sheegay inay dib ugu laabatay Hoygeeda gaarka, kadib markii lagu soo daaweeyey cisbital ku yaalla magaalada Miyaami ee dalka Maraykanka.

Martine Moïse oo soo kireysatay Diyaarad Khaas ah ayaa waxay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee ku yaalla Caasimada dalkaasi ee Port-au-Prince.

Raysal wasaaraha Ku-meel-gaadhka ee dalka Haiti, Kaluwde Josef iyo Saraakiil kale ayaana soo dhaweeyey Carmalada oo wadatay Dhar madow iyo Jaakadka aysan xabbaduhu ka dusi Karin, iyadoo uu xadhiga madow uu kaga xidhnaa gacanta Midig.

Dhinaca kale, Saraakiisha Dowladda Haiti waxay shaaciyeen in maydka Madxweynihii hore, Jovenel Moise bishan July 23-ad lagu aasi doono magaalada Keeb Haytiyan oo ku taallo Waqooyiga dalkaasi, iyadoo Xaaskii uu ka geeriyooday la rajeynayo inay goobjoog ka noqoto Aaskiisa.