X/Wadani Ee Awdal Oo Eedeeyay Mayarka Borama Dhaliilay-na Buuga Waxqabadka Biixi Oo Lagu Qaybiyay Borama.

Gudoomiye kuxigeenka xisbiga Wadani ee gobolka Awdal Mud Khadar Maxamed Cabdi Gaafane oo shir jaraaid ku qabtay xafiiska xisbiga ee Boorama ayaa waxa uu eedo u jeediyay Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi, waxana uu u xambaariyay masuuliyada muran dhuleed khasaare ka dhashay oo dhex maray ciidamo milatari ah iyo dadka degaanka, todobaadkii hore.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in Maayar Saleebaanka Boorama uu ku guul-daraytay inuu gacanta dawlada soo galiyo goob laga qodo godkii qashinka ee Boorama oo hada buux samay siwayna looga cawday waxana uu yidhi “Maayarku waxa uu ku guuldaraystay inuu tolkii ka qaado buq-cad dan guud ah oo laga qodo godka qashinka ee dadwaynahu ay sida wayn uga cabanayaan, waxana caado u noqotay in inta xigtadiisa ah uu indhaha ka qarsado, dhulka dadka kalena uu marwalba ku tilmaamo danguud”

Dhinaca kaleGudoomiye Ku xigeen Khadar Gaafane waxa uu naqdiyay buug lagu soo ururiyay xogta waxqabadkii xukuumada Kulmiye ee 2019 oo maanta ay hawl wadeeno ka tirsan wasaarada Warfaafinta Somaliland ku qaybinayeen gudaha Boorama, “Buugan lagu qaybinayay Boorama, waxa ku qoran 85 Mashruuc oo aan mid kaliya oo waxtar leh laga fulin Boorama, marka laga reebo in xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ay gobolka awdal ka fulisay hal mashruuc oo wax ku ool ah kaas oo ah xadhig, cabudhin iyo cagajuglayn, intaas ayaanan u aqaanaa waxqabadka Awdal”

ugu dambayn ayaa gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Wadani ee gobolka Awdal waxa uu hambalyeeyay Xubintii xisbiga UCID ee iska casishay gudida doorashoojinka qaranka, waxana uu ku tilmaamay talaabadan mid dhabar jab ku ah komishanka uu xisbigiisu hore ugu gacan saydhay