Wiil Dhalinyaro ah Oo ku Dhintay Rabshado Xalay ka Dhacay Borama.

Wiil dhalinyaro ah ayaa habeenimadii xalay ku dhintay gudaha boorama, kadib markii ay xabadi ku dhacday.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay booliska, iyo saraakiisha caafimaadka, waxase ay ilo wareedyo shabakadu la xidhiidhay sheegayaan in aan wali la’aasin maydkii marxuunkan, muran hadheeyay sababta dhimashada awgeed.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadwaynaha ayaa aaminsan in rabshadahan ay ka dhasheen Qaad la’aanta soo wajahday magalada Borama.