Weerar Qaraxyo ku Bilowday Oo Caawa ka Dhacay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Ee Muqdisho.

Qaraxyo ayaa caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile sida wararka degaankaas ka imanaya ay sheegayaan.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo xero Jarmal, kuwaasi oo jugtooda laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa bilaawday rasaas ay rideen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudahaxarunta wasaaradda oo ku taalla degmada Deyniile, intaas kadibna ay rasaas ka bilaabatay gudaha iyo daafaha xerada.

Xaaladda ayaa aad u kacsan welina lama ogaa karo khasaaraha ka dhashay weerarka iyo rasaasta ka dambeysay.