Qarax Iyo Dagaal Wada-socda Oo Lagu Qaaday Saldhig Cdamadu Qabsadeen Ee Awdheegle.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab goor dhaw weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Awdheegle oo ay dhawaan la wareegeen.

Dadka deegaanka oo warbaahinta la soo xiiriiray ayaa sheegaya in ay maqleen jugta qarax xoogan iyo rasaas culus oo xigtay, waxaana loo maleynayaa in ay gudaha u galleen qaraxyada kaddib saldhigga xoogag hubeysan Ururka Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ayaa toddobaad ka hor waxaa ay Al-Shabaab kala wareegeen degmada Awdheegle oo mudo dhowr sano ah ay maamulayeen.