Weerar Lagu Laayay Askar ka Tirsan Turkiga Oo ka Dhacay Syria.

Laba askari oo Turki ah ayaa ladilay, labo kalena waa la dhaawacay, kadib markii weerar lagu qaaday iyaga oo marayay waqooyiga Siiriya, sida laga soo xigtay wasaarada difaaca ee dalkaasi.

Waxay sheegtay in weerarka uu ka dhacay gobolka xuduuda “Euphrates Shield” oo sanadkii 2016-kii uu turkigu ka bilaabay sifeynta Daacish iyo maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG ama PKK.

Warbaahinta ayaa sheegtay in weerarka uu ka dhacay aagga al-Bab, Waxaana Turkiga uu wali gacanta ku hayaa woqooyi galbeed ee Syria, halkaas oo ku leeyahay fariisimo ciidan oo aad u weyn.

Turkiga wuxuu u tixgeliyaa kooxda YPG mid argagixiso ah, oo xiriir la leh mintidiinta daacish iyo al qaacida, kuwaa oo tobannaan sano kula dagaalamayay gobolka koonfur bari ee Turkiga.