Weerar Ismiidaamin ku Bilowday Oo Lagu Qaaday Hotel Afric Ee Muqdisho Iyo Dagaalyahano Gudaha Ugalay.

Weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah ayaa goordhaw lagu qaaday Hotelka Afrik ee kuyaala agagaarka Isgooska KM ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa kadib ayaa dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab waxa ay gudaha u galeen gudaha hotelka halkaas ay ka dagaalamayaan.

Goobjooge ku sugan agagaarka Hotelka la weeraray ayaa noo sheegay in ay maqlayaan rasaas iyo bambaanooyin ka dhacaya gudaha Hotelka Afrik ee Weerarka lagu qaaday.

Ciidamo katirsab dowlada Soomaaliya ayaa kusii qul qulaya hotelka la weerarat, waxa ayna ciidamada xireen wadooyinka soo gala Hotelka iyo kuwa ka baxa.

Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ah, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka waxyeelada gaartat.

Hoteelka Afriik ayaa ka mid yahay Hoteelada ay kushiraan Midowga musharixiinta madaxweynaha soomaaliya iyo mucaaradka Dowlada Federaalka somaliya , Sido kale Mucaaradka Dowlada Federaalka somaliya waxay kaloo ku shiraan hoteelka jasiira ee magaalada muqdisho oo hadda kasocdo shirka qaar kamdi ah Midowga musharixiinta madaxweynaha somaliya.

Wixii Warar ah ee ku soo kordha kala soco Awdalmedia.com