Wax ay Somaliland iyo Somalia ka Wada Hadlaan Meesha ma Yalaan.

 Somaliland waxa ay madax banaanideedii ka heshay gumaystihii Ingriiska 06/26/1960, shan cisho ka dibna waxa ay la midawday Somalia oo madax banaanideedii ka heshay gumaystihii Talyaaniga 07/01/1960. Midawgii Somaliland iyo Somalia ka hor waxa qaaradda Afrika ka socday dhaqdhaqaaq xoriyada doon ahaa oo lagaga soo horjeeday gumaystayaashii reer ee Yurub ee kala qaybsaday Afrika 1884-1885 shirkii Barliin, Germany, shirkaasa oo ay Ethiopia qayb ka ahayd. Wadamadii reer Yurub kala qaybsaday Afrika waxa ay kala ahaayeen, Belgium, Germany, Portugal, France, Italy, Spain iyo England.

       Gumaystayashii Yurub markii ay qaybsanayeen Afrika waxa ay ahayd xiligii ama Casrigii Warshadaynta/Industrial Revolution, waxana ay ku tartamayeen/dagaalamayeen

dhul balaadhsi iyo sidii ay khayraad u heli lahaayeen, taas oo ahayd sababta u wayn ee keentay in ay Afrika kala qaybsadaan. Sida Qormada/Map-ka kor sawiran caddaynayo reer Yurub markii ay qaybsanayeen Afrika umay kala qaybin wadamada/dagaanada qaybsi ku salaysan Qawmiyaddo/Ethnicity, Nationality.

     Qawmiyadda Somalida waxa kala qaybsaday, England/Somaliland,, Italy/Somalia, France/Djibouti iyo Ethiopia/Somali Galbeed iyo Hawd and Reserve Area. Hawd iyo Reserve oo England haysatay waxa ay Ethiopia u gacan galisay 1954, Hawd and Reserve Area waxa ay ka mid ahayd Somaliland. Dhulka Glabeed ka xiga Hawd iyo Reserve Area waxa Ethiopia la siiyay/qaadatay 1884.

   Halgankii Daraawiishta iyo dhamaan qaybihii kala duwanaa bulashada Somaliland ka dib, 06/26/1960 waxa ay Somaliland ka xorowday Gumaystihii Ingriiska. Somaliland waxa ay noqotay wadankii uGu horeeyay ee laga taago calan Somaliyeed. Somaliland waxa ay noqotay ama tahay wadanka qudha ee ka horyimid XUDUUDIHII uu Gumaystaha Yurub kala dhex dhigay qawmiyadihii Afrika ama Somaliyeed. 

    Umadda Somaliland iyada oo ka duulaysay sidii loo midayn lahaa Somali oo dhan/SHANTII Somaliyeed ee gumaystuhu kala qaybiyay, SHAN CISHO kadib 07/01/1960 waxa ay la midawday Somalia oo markaa madax banaanideedii ka heshay Gumaystihii Talyaaniga. 

  Wadamada Afrika iyo Carabtu waxa ay ku dhismeen ama ku kooban yihiin XUDUUDII gumaysiga, ma jiro wadan Carab ah ama Afrikaan oo ka soo horjeestay xuduudii gumaystuhu kala dhex dhixgay Carab ama qawmiyadaha afrikaba oo midoobay,  sida Somaliland.  

   Horta midawgii Somaliland iyo Somalia 7/01/60 muu ahayn mid qorshaysnaa oo labadii dal ee midoobay ku heshiiyeeen awood qaybsi deelitiran iyo aayaha laba dal haddii ay wax isbadalaan. Waxa se jirtay in ay hogaanka labada dal isla socdeen kana midaysnaayeen dhaqdhaqaaqii madax baanaanida iyo sidii loo midayn lahaa loona xorayn lahaa  shantii Somaliyed, Somaliland, Somlia, Djibouti, NFD iyo Hawd and Reserve area/Somali Galbeed.

     Madaaxdii Somaliland ee qaranimadoodii gaysay Somalia niyadda iyo warwarba kagama jirin xil ama hogaan sare iyo awood qaybsi, waxa waday jibo, xamaasad gobanimo iyo wadaninimo Somalyeed/Somali Nationalism, shakina kagama jirin in hogaanka iyo talada wadanka ay wax ku yeelanayaan . 

    Iyada oo xaalka madaaxdii Somaliland sidaa ahaa ayaa waxa u caddaatay in ragii/madaaxdii Somlia ay arin khaa’inimo, tuugo iyo Maafios-nimo, dhaqan xun oo uu baray Talyaaniu ay hoosta ka wateen, horena qorshaha talada iyo hogaanka dalka ay u gaadheen. Waxa madaxwayne noqday AHUN Aaden Cadde oon awoood lahay oo dusha laga mamulayay. 

    Kadib markii ay xilalkii uGu muhiimsannaa ay wada qaateen hogaankii Somalia ayaa AHUN Ibrahim X Cigaal oo markaa hogaaminayay waftigii Somaliland ahaana ninkii ugu aqoonta badanaa marka laga hadlo waxbarsho, waxa ay ka dhigeen wasiirkii gaashaandhiga/Defense Minister, oo ay dusha ka maamulayeen askartii Somalia ee Talayaanigu tababaray markaas ayaanu bilaabmay halgankii Somaliland, niyad jibkii iyo isqoomamayntii kadib.

     Arintaas oo keentay in Saraakiishii ciidamada ee Somaliland ay isku  dayeen inqilaab  afgambi 1961 , si loo helo dawlad awood qaybsi iyo  cadaalad ku dhisan ama ay madaxbanaanidii Somaliland dib ugu soo celiyaan.

    Markii ciidamadii Somlia ee uu hogaaminayay Siyaad Barre 1969-kii ay afgambiyeen dawladii rayadka ahayd ee AHUN Sharmarke iyo Cigaal, bilawgii waxa ay u eekayd Dawlad ka dhaxaysa Somali oo dhan hadafkeeduna ahaa sidii shanti Somaliyeed loo heli lahaa, hase yeeshee 3 sano kadib 1972 waxa uu Siyaad Barre dil toogasho ah ku xakumay sarakiil badan oo ay ka mid ahaayeen AHUN Caynaashe, Gabayre iyo Cabdulqaadir Dheel. Sababta uu u dilayna  ay ahayd isku kalsooni la’aan,kala rayi duwonaansho, Jaahil nimo ama casbsi Siyaad Barre ka qabay in ay meesha ka saaraan. 

   Laga bilaabo 1972-kii waxa ay dawladii Siyaad Barre isku badashay xukun military oo kali talis ah  oo lagu bar tilmaamsado dad gaar ah ama gobolo,  taas oo keentay in dhamaan wax garadkii iyo intii karaysaba ay ka yaacaan wadanka. Waxa bilaabmay halkan ay hormood ka noqdaan saraakiishii ciidamada ee Somalia ee qaybta libaax ka qaatay dagaalkii 1977-kii iyaka oo daacad ah, dagaal kaas oo ay  hormood ama bilaabeen kali taliye yaashii Siyaad Barre iyo Mangistu si ay kursiga ama hogaanka u sii dheeraystaan uguna dhameeyaan saraakiisha ciidama ee  ay ka baqayeen ee aqoonta badnaa,  

      Somliland waxa laga asaasay jabhadii SNM 1981 oo dagaal dheer ka bilawday Somaliland sii loo helo dawlad cadaalad ah. 

 Ciidamadii Siyaad Barre waxa ay xasuuq iyo bara kicin ba’an kula kaceen Shacbigii Somaliland , waxana dhulka lala simay Hargeisa, Bar-bara iyo Burco, iyada oo ciidamadii Siyaad Barre adeegsanayaan tankiyo iyo diyaaradaha dagaalka, MIG-21 iyo MIG-17. Xasuuqii uu gaystay taliskii Siyad Barre waxa ay  keentay ilaa maanta kolba marku roobku da’o in  la helo ama soo baxaan  xabaal wadareedyo ay gaysteen askartii Siyaad Barre. 

      Markii Siyaad bare laga tuuraday talada  waxa dhacday awood maroorsi kale 1991-kii , taas oo keentay in Somalia laga dhisao dawlad hogaamiye looga dhigay Cali Mahdi laguna asaasay Djibouti iyada oon lagala tashan shacabwaynihii Somaliland lana tixgalin halgankii iyo dhibaatadii soo gaadhay dadka Somaliland.  

  Arintani waxa ay dhalisay in mar labaad 05/18/991  ay Somaliland dib u hanato madax banaanideedii markii ay shacabwaynaha  Somaliland iskuraaceen ama ku  heshiiyeen Borama iyo Burco.

    Hadaba haddii aanay meesha ool wixii ay Somaliland iyo Somalia ay u midoobeen, maxay ka wada hadlayaan Somaliland Iyo Somalia?????

  1. Shantii Somaliyeed ee loo midoobay, meesha way ka baxday.

2. Bilawgii ama midawgii u horeeyay awood qaybsi  cadaalad ihi  ma  dhicin , Somaliland waa la khiyaameeyay.

3. 1980-1991 waxa ay Dawladii Somalia xasuuq ka gaysatay Somaliland.

4. Siyaasiinta/madaax ku sheegga Somalia waa beenaaleyaal, ma ogola in ay sheegaan taariikhda dhabta ah ee Somaliland. Waxa ay ugu yeedhaan Somaliland Gobolada Woqooyi, oo waliba la soo shir tagaan.

Ma qirsana ama ogola in Somaliland iyo Somalia ahaayeen laba  dal oo midoobay.  

5. Maantadan dawlad ku sheega Somaliya ma hayso awood qaybsi dhab ah, darajada/xilka ugu sareeya ee la siiyaa Somaliland waa Ra’iisal wasaare ku xigeen ama wasiirka arimaha dibadda iyo wax la mida. 

6. Somalia waxa ay qaadatay habka Federaalka ee ku salaysan Beelaha/Dawlad Beeleedyo, Somalilandna  ma aqbalasyo maxaa yeelay waa  shax kale oo lagu qaybinayo shacabka Somaliland si loo sameeyo xudduud beeleedyo sida khadka cagaaran ee Gaalkacayo,  iyada Somaliland hore diiday xuduudii Gumaystaha  ee laguna khaa’imay. 

7. Somaliland ma ogolaanayaso  in ay la hadasha nin Somaliland u dhashay oo Somalia u shaqatagay, oo haysta jinsiyadda Somalia lehan waxa aan matalaa masiirka shacabka Somaliland. 

8. Somalia ama dawlad ku sheegga Somalia ma hayso waxa ay Somaliland kula midawdo, waxa aan been ahayn.

9. Turkigu wada halada uu bilaaby daacad ka kama ahayn  ee dantiisa ayaa  ku jirtay ama uu eegayay , taas oo uu doonayo in uu dakadda Barbara gacanta ku dhigo , si uu Carabta UAE iyo Sacuudi Arabia meesha uga saaro tartank ay ugu jiraank gobolka awgeed/Geopolitics. 

10. Haddii lawada hadlayo waa in runta iyo taariikhda dhabta ah ee Somaliland/Somalia laga wada hadlaa si sharciga caalimiga/international law,  ah loogu kala baxo , hadii kale arinku  waa ijiid aan ku jiidee. 

Mohamoud Aden Samatar

samatarapt@gmail.com