Wasiirka Maaliyada Somaliya Oo Xil sare U Magacaabay Gabar Uu Dhalay.(Akhriso)

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Somalia Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo saaray wareegto lagu magacaabay agaasimaha waaxda canshuur dhaafka ee Wasaaraddaas Marwo Safiya Maxamed Axmed.

Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka dalbaday masuuliyiinta waaxyaha wasaaradaas iney la shaqeeyaan agaasimaha cusub ee waaxda canshuur dhaafka.

Safiya Maxamed Axmed ayaa waxaa dhalay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo la yiraahdo Maxamed Axmed Beerey, kaasoo ay isku heyb yihiin Madaxweyne Xassan Shiikh.

Waxaa soo badanaya xilalka lagu bixinayo musuqa iyo xigtanimada tan iyo intii uu xilka la wareegay Madaxweyne Xassan Shiikh.

Maanta ayey aheyd markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ra’isul Wasaare Xamse oo fulinaya amar kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh xilka looga qaaday ku xigeenkii Hay’adda Taya-Dhawrka Soomaaliyeed Caydaruus Macalin Xasan, waxaa bedelkiisa loo magacaabay gabar uu sodog u yahay Madaxweynaha dalka.
Halkan ka Akhriso: