Wasiirka Ganacsiga Oo Shaqo Ka Joojin ku Sameeyay Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhowrka.

Wareegto goordhaw kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqada looga joojiyay Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Aadan Xasan Barre.

Maareeyaha shaqada laga joojiyay ayaa lagu eedeeyay Wadashaqeyn la’aan masuuliyiinta kale ee Hay’adda iyo sidoo kale xadgudubyo kale uu ku kacay maareeyaha Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa si KMG maareeyaha Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed waxaa loogu magacaabay maareeye kuxigeenka Hay’addaasi.
Halkan ka Akhriso: