Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Taliyaha Ciidanka XDS Oo Gaaray Kambala.(Sawiro)

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Magacaaban ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia Cabduqaadir Maxamed Nuur “Jaamac” ayaa gaaray Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Waxaa wafdiga qeyb ka ah taliyaha Ciidanka XDS Gen. Odawaa Yusuf Raage, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samatar “Gacaliye” iyo xubno kale ,

Wafdiga ayaa halkaas kaga qeyb galaya shirka Iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Uganda oo halkaas ka furmaya.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa arimo la Xiriira iskaashiga labada dowladood gaar ahaan arimaha difaaca

“Waxaan ka wadahadli doonnaa dhigeena sidii aan u sii xoojin lahayn wada shaqeynta dhinaca difaaca iyo ballan qaadkeenna wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada gobolka” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Cabdiqaadir Max’ed Nuur (Jaamac) ayaa ka mid ah wasiirada Magacaaban ee dowlada federaalka kuwaasoo aan weli la horgeyn baarlamanka Somalia.