Wasiirka Difaaca Iyo Saraakiil ka Socotay Midawga Yurub Oo ka Wada Hadlay Arimo Muhiim ah(Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen. Cabaas Aamiin ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Hoggaanka Ciidamada Midowga yurub oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee ciidamada Midowga Yurub.

Wafdigan ayaa ka yimid Xarunta Midowga Yurub magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Kulanka labada dhinac ayaa ku qotamay iskaashi iyo Sidii Midowga Yurub u labo jibaari lahaa Taageerada iyo tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Agaasimaha Ciidanka Midowga Yurub ayaa tilmaamay in Soomaaliya horumar iyo soo kabasho ka sameysay arimaha Ciidanka dhankoodana diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa kaga mahadceliyay Wafdigan booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya isagoo xusay in Midowga Yurub uu qeyb ka yahay dalalka taageera Soomaaliya, waxaa uu si qota dheer ugu sheekeeyay iskaashiga Ciidan iyo kaalinta Midowga Yurub oo uu tilmaamay in ay tahay mid muuqata.