Wasiirka Dastuurka Somaliya Oo Rajo ku Timaamay Kulanka M/Biixi Iyo Wasiirada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay kulan magaalada Makka ee dalka Sucudiga ku dhex-maray wafti uu hoggaaminayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wasirro ka tirsan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sawir lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku xidhiidho gelinkii hore ee Maanta ayaa muujinaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo la Sawiran Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibedda, Maaliyadda, Kalluumaysiga Soomaaliya iyo Sarkaal ka mid ah Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa qoraal u baahiyay ku yidhi “Galad Eebe weeye dhawaaqa wasiir Byle iyo dhulkii barakaysnaa ka soo yeedhay. midnimo, gobanimo iyo horumar weeye geedigu. Rayn-raynta iyo farxada ka muuqata odayaasha ayaa tilmaan ka bixinaysa saadasha wacan eey soomaali filayso.

Waxa kale oo iyana sawirkan ka maqan kumaananka kun ee soomaaliyeed ee ka kala yimi waqooyi iyo koonfurba, ee isku weheshanayey, intii ay gudanayeen acmaashooda, isku basaboor ahaa , isku af ahaa isna garab sanayey.”