Wasiirka Arimaha Gudaha Oo ka Hadlay Dad ku Dhintay Roobab ka Da’ay Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa booqday Xaafadda uu khasaaro nafeed ka gaystay roobabkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay dalkaasi.

Roobabka ka da’ay Jabuuti ayaa waxaa Xaafad ku taalla duleedka Magaaladaas ugu geeriyooday Shan qof oo saddex ka mid ah Meydkooda la aasay, halka labada kalena oo ruux Dumar Meydadkooda uu qaaday daad ka dhashay roobka.

Wasiir Muumin ayaa shacabka dalkaasi u sheegay inay garab taagan yihiin, Isagoo sidoo kalana uga tacsiyadeeyay ehellada Shanta qof ee dhimatay roobabka, waxuuna shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenada ah.

Daadadkii ka dhashay Roobka ayaa waxaa sidoo kale ay burburiyeen dhismayaal badan oo Xaafadda Belbela ka mid ah, halka Xaafado kale oo ku yaalla gudaha Jabuuti uu sameeyay Roobka.