Wasiir Shaaciyay Inuu Xilka Iskaga-casilay Fara-galinta Dowladda Federaalka ku Hayso Galmudug.

Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Xannaada Xoolaha ee dowladda federaalka Soomaaliya mud.Cabdikariin Khaliif Cabdi Dhalac ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyay kaddib markii uu u adkeysan waayay fara-galinta dowladda federaalka ay ku heyso dowlad gobolleedka Galmudug.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda federaalka fara-galin toos ah ku heyso dowlad gobolleedka Galmudug iyo dib u qaban qaabinta Galmudug loo dhan yahay ay arintaasi keeni karta dib u dhac Siyaasadeed, Dhaqaale, Amni iyo hormarineed.

Xildhibaan Dhalac ayaa ugu baaqay xukuumadda federaalka in ay fara-galinta ka deyso guud ahaan dowlad gobolleedka, gaar ahaan Galmudug oo la doonayo in mar kale dib loo yagleelo.

“Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliso Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala iyo guud ahaanba nidaamka federaalka ee lagu heshiiyay, fara-galintana ka deyso dowlad gobolleedka’’ ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Iscasilay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu Dhuusa-Mareeb ku soo xiray shirkii dib-u-heshiisiinta beelaha wada dega deegaannada Galmudug.