Wasiir Sacadka Maalida Oo Dalbaday In La Anshax Mariyo Xildhibaan Ka Hor-yimid Canshuur Uu Dul-dhigay Bulshada.

Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa doonaya in baarlamaanku ay talaabo ka qaadaan xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladaa.

Wasiir Sacad oo maanta ka hadlayey shirweyne ay iskugu yimaadeen maamulayaasha xafiisyada wasaarada maaliyada ee gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa ka hadlay xeerar uu sheegay inuu dafiray xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladu.

Wasiir Sacad oo ka jawaab celinaya dhawaaqa xildhibaanka ayaa waxa uu yidhi “Bixinta cashuurtu waa albaabka laga galo muwaadinimada, waxaanan ka xumahay in maalin dhawayd xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladu uu daadifeeyey xeer uu ansixiyey baarlamaanka ama hay’adda sharci ee uu isagu ka mid yahay waana xeerka dakhliga guud iyo cashuuraadka kaas oo la ansixiyey sanadkii 2016, lambarkiisuna uu yahay 72.”

Sidoo kale wasiir Sacad ayaa soo bandhigay waxyaabaha uu waajibinayo xeerkaasi “Xeerkaasi waxa uu qeexayaa cashuurta beriga ee waajibtay oo waliba si gaar ah isku dul taagaya cashuurta korontada iyo cashuurta isgaadhsiinta oo uu ku qeexayo qodobadiisa 164aad iyo 165aad, in la daadifeeyo sharuucda ay baarlamaanku ansixiyeen waxay gaf ku tahay qaranka ka sokow baarlamaanka laftiisa, waana dambi sharci yaala in qof uu yidhaahdo yaan loo hogaansamin.”

Dhinaca kale wasiirka maaliyada ayaa sheegay in golaha wakiilada ay ka sugayaan in talaabo ay ka qaadaan xildhibaankaasi oo uu aanu magac dhabin waxaanu yidhi “Golaha baarlamaanku nidaam iyo habraac ayuu ka leeyahay anshax marinta xubnihiisu marka ay ku gafaan sharciyada iyo nidaamka golaha iyaga ayaanan u daynaynaa wixii ay ka qabanayaan, waxaanan ku kalsoonahay inay kaalinta kaga haboon ama talaabooyinka ku haboon ay ka qaadi doonaan.”