Wasiir Janan Oo Beeniyey inuu ku Sugan yahay Magalada Mandheera.

Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa beeniyay inuu ku sugan yahay magaalada Mandera balse uu joogo magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay inaysan wax dhibaato ah ku jirin inuu tago dalka, isagoo xusay in Maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in xasiloonidii iyo kala dambeyntii in uu kusoo celiyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo oo ay dhawaan Ciidamo farabadan geystay Doadda Soomaaliya.

Hadalka wasiir Janan ayaa yimid kadib markii siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kale ee Gobolka Mandera ay ugu baaqeen dawladda Kenya inay hubka ka dhigto ama waddanka ka saarto Cabdirashiid Janan.