Wasiir Goodax Oo Awaamiir Dul-dhigay Dugsiyada Dalka

Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa soo saaray Xeer khasab ka dhigaya in sanad dugsiyeedka soo socda dugsiyada sare lagu dhigo Buugaagta Manhajka Qaranka.

Waxaa uu sheegay in dhammaan laga rabo dugsiyadda ku yaalla dalka in ay si deg deg ah ku hirgaliyaan Manhajka dowladda maanta laga bilaabo.

Go’aanka Wasiir Goodax ayaa si gaar ah ugu socda dugsiyadda Sare oo qasab looga dhigay hirgalinta Manhajka.

Amarada Wasiir Goodax ayaa ka hirgala inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana Puntland iyo Somaliland ay heystaan Manhaj u gaar ah.