Wasiir Beyle Oo Sheegay In Hoos U Dhac ku Yimid Wax soo Saarkii Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee FGC oo markii ugu horesay loo qabtay habka online ah, iyadoo ay jirto caqabadaha xanuun ka COVID-19.

Kulanka ayaa looga ka dooday sidii loo horumarin lahaa arrimaha dhaqaalaha, iyadoo lagu guda jiro xiligaan adag ee Adduunka oo dhan uu saameeyay Coronavirus.

Wasiir Beyle ayaa xusay inay ka go’antahay hagaajinta hannaanka Dowlad-Wanaaga.

“Sharaf weyn ayay ii tahay in aan ka qeyb-galo kulankaan taariikhiga ah ee dhanka khadka internet-ka ah (Video teleconference), kaas oo diiradda lagu saaray arrinta hadda taagan oo ah cudurka Covid-19. Waxaan doonayaa in aan fursadaan uga faa’iideysto in aan kaaga mahadceliyo Marwo, Agaasimaha Guud, ee IMF iyo hawlwadeenada hawlkarka ah taageeradaada aan kala go`a lahayn ee aad la garab taagan tihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah Hey’adda IMF,si gaar ah dalalka aadka u nugul si ay u yareeyaan waxyeelada saameynta leh ee Corona Fayras” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxaa uu intaasi kusii daray” Soomaaliya waxay wajaheysa caqabad, sida dunida kale, oo la tacaaleysa cudurka Covid-19. Waxa uu cudurku saameeyay dalkeenna iyo dadkeenna dhinacyo kala duwan kuwaas oo halis ku ah hormarkeenna dhaqaale, si gaar ah, caafimaadka iyo qaab nololeedka inta ugu jilicsan bulshada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida dalalka kale ee xubnaha ka ah Hey’adda IMF waxay mudnaanta koowaad siisay nabadgalayda iyo badqabka dadkeeda iyada oo dhaqangalisay siyaasado lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa isla markaana lagu lagu yareynayo faafitaanka cudurkaan dilaaga ah. Taasi waxay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

1 Wax soo saarkii oo hoos u dhacay maadaama uu yaraaday waxyaabaha la soo saaro iyo adeegyada taas oo sidoo kale keentay in ay yaraato canshuurtii laga heli jiray wax soo saarkaas.

2 Waxaa hoos u dhac ku yimid alaabadii iyo adeegyadii dibadda laga keeni jiray taas oo keentay in uu yaraado dakhligii soo gali jiray furdooyinka (Customs) iyo canshuurtii baddeecada dibadda laga keeno.

3 Shaqo la’aanta oo korortay gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhaqaalaha aan rasmiga ahayn, waxayna taageeridda dadkaas jilicsan u baahan tahay tallaabooyin ay dowladda Federaalku qaaddo.

4 Lacagta xawilaadaha ayaa kaalin weyn ka ciyaara dhaqaalaha Soomaaliya waana tirade ugu badan ee qoysaska iyo shakhsiyaadka Soomaaliya ku nool ay ku tiirsan yihiin. Dhibaatada shaqo la’aan ee uu sababay cudurkaan Covid 19 iyo hoos u dhaca dhaqaalaha ee dunida ayaa saameeyay shaqada qurbo joogta, taas oo hoos u dhigtay kaalmadoodii.