Wasaarada Caafimaadka Ethiopia Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaalada Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Itoobiya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay sheegtay in lab qof oo kale laga helay safmarka Cudurka Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda oo Akhrisay Warbixinta maalinlaha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaan lagu sameeyey 1080 Ruux Cudurka laga helay laba qof.

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in labadaasi qof ay yihiin kuwo kasoo jeeda dalka Britain,kuwaas oo maalmahaan ku jiray Xarunta karantiilka.

Tirada dadka laga halay Cudurka COVID-19 ee dalka Itoobiya ayaa haatan gaartay 126 Ruux,waxaa karantiil ku jira 71 Ruux, iyada oo Cudurka ay ka codsadeen 71 Ruux.