Taliban Oo Xarig Iyo Jirdil kula Kacday Weriyeyaal ku Sugan Kabul (Sawirro)

Xooggaga Taliban ayaa la sheegay iney geysteen jirdil iyo xarig lagula kacay weriyeyaal ku sugan magaalada Kabul kadib markii ay damceen inay tebiyaan dad dibed baxayay.

Sawirro lagu baahiyay internet-ka ayaa muujinaya laba weriye oo ka tirsan wargeyska Etilaatroz, kuwaasoo dhaawacyo qaba Ka dib markii lagu xiray caasimadda Kabul.

Weriyeyaashan Mid mid ah oo lagu magacaabo Taqi Daryabi ayaa sheegay in lagu jirdilay saldhig boolis.

Koox Weriyeyaal reer galbeed ah ayaa loo diiday inay duubaan muuqaal ku saabsan dibed baxa arbacadii ay Kabul ka dhigeen haween ka cabanayey Taliban

Maamulka Taliban ayaan illaa hadda ka hadlin jirdilka iyo xariga loo geystay labada weriye, waxaana kooxdan ay horey u balan-qaaday iney ilaalin doonto xuquuqda Weriyeyaasha.

(Visited 1 times, 1 visits today)