Wararkii U Dambeeyay Ee Caabuqa Coronavirus Ee Caalamka Oo Dhan.

WARAR DHEERAAD AH:

Spain waxa ay ku dhawaaqday in 932 qof ay 24kii saac ee la soo dhaafay u geeriyoodeen caabuqan coronavirus, taas oo dhimashada guud ee dalkaasi ka dhigaya 11,000, halka ay Spain ka noqotay wadanaka labaad ee dunida ee dadka ugu badan ay kaga dhinteen caabuqan

Maraykanka maanta waxa ku dhintay tiradii ugu badnayd ee dad ah ee caalamka oo dhan maalin kaliya kaga dhinta coronavirus taas oo ah 1,200 oo qof, waxana ilaa hada Maraykanka kaga dhintan caabuqan 6,000 oo qof.

Guud ahaan dunida dadka u dhintay caabuqan waxa ay kor u dhaafeen 53,000 oo qof halka dad kor u dhaafay 1 milyan oo qofna caabuqan laga helay, in ku dhaw 217 kun oo qofna ay ka bogsadeen caabuqan.

RUUSHA OO ALBAABADA KA XIDHAY DADKIISA KU NOOL DIBADAHA

Ruushku waxa ayaa xanibaad ku soo rogay dhamaan duulimaadyada imanaya dalkiisa ee soo qaadaya dadka Ruushka ah ee ku nool dunida dacaladeeda.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Ruusha ayaa Arabacadii sheegay in 25,000 oo qof oo Ruush ah oo ku nool dunida ay soo dirteen codsi gurmad ah si ay u yimaadaan dalkooda, halka ay wali dalka dalka gudihiisa ku nool saaran tahay xanibaad dhinaca socodka ah si ay dawladu ula tacaasho faafitaanka coronavirus.

“Ma aha macquul in duulimaadyada la furo waqtigan, waana talaabo khatar ku ah amaanka iyo dabdaadada daka gudaha” ayuu yidhi Wasiirku

ISRAEL OO QUFUL KU DHAJISAY MAGAALO DHAN OO MASIIXIYIIN KU NOOSHAHAY

Israel waxa ay xayiraad ku soo rogtooy magaalo ay dagaan Yuhuuda haysata diinta Kirishtada taas oo uu six un u saameeyay coronavirus, waxana jidgooyo la dhigay dhamaan wadooyinka gala ama ka baxa magaaladaas.

Digreeto ay ansixiyeen golaha wasiirada ee raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa lagu meel mariyay in xayiraad lagu soo rogo magaalada Bnei Brak oo u dhaw caasimada Tel Aviv, iyada oo la sababeeyay faafitaankeeda sareeya ee caabuqan.

Digreetadan ayaa waxa ay masuuliyiinta awood u siinaysaa in ay xayiraan dhaq-dhaqaaqa dadka ee guud ahaan dalkaasi.

BOQORADA INGIRIISKA OO DADKEEDA FARIIN NIYAD QABOOJIN AH U DIRAYSA AXADA

Boqorada Ingiriiska ee Elizabeth II ayaa la qorshaynayaa in maalinta Axada ah ay la hadasho dadkeeda, sida ay sheegeen masuuliyiinta qasriga madaxtooyada ee ee lagu magacaabo Buckingham Palace.

“Boqoradu waxaa y soo duubi doontaa muuqaal ay ku gudbinayso fariin ku socota dadka ku nool boqotrooyada Ingiriiska iyo dalalka Barwaaqto sooranka ee hoos yimaada, waxana ay kala hadli doonataa aafada Coronavirus iyo sidii la isaga kaashan lahaa joojinteeda”ayay yidhaaheen hawlwadeenada qasriga Buckingham Palace.

Fariintan ayaa loo micneeyay mid niyad qabawsi u ah dadka ay boqoradu maamusho, waxana la filayaa in hadalkeedu uu u badnaado talo, duco iyo waano ku socota coronavirus.

Fariintan boqorada ayaa lagu duubay qasriga Windsor Castle ee ay ku nooshahay boqoradan 93-jirka ah iyo saygeeda Amiir Philip, waxana lagu wadaa in labaahiyo saacadu Ingiriisku marka ay tahay 19:00 GMT ee maalinta Axada ah.

QM OO KA DIGTAY CUNO YARAAN SOO FOODSAARTA AFRICA

Faafitaanka caabuqa coronavirus waxa uu waxyeelayndoona waxsoosaarka, waxana uu sababi doonaa cuno-yaraan soo foodsaarta boqolaal milyan oo qof oo ku noolAfrica sidana waxa sheegtay Qaramada Midoobay oo digniintan tabinaysa

Wadamada Faqriga ah ee aan wax-soosaarka lahayn, kuna tiirsanaa cunada ay soo dhoofsadaan, waxa ay u baahnaan doonaan in la quudiyo si ay u noolaadaan, sababta oo ah coronairus oo saameeyay waxsoosaarkii iyo hilinadii cunada la soo marinayay ee dunida ayay tidhi hayada Cunada Aduunka ee WFP

“Ilaa hada si guud ayaan ula macaamilaynaa dalalka cunada soo saara, waxana ay ka waalacsan yihiin xaalka hada jira iyo shaqo-la’aanta ku habsatay shaqaale badan, waxana intan dheer in khalkhal ka jiro dhinaca kale ee waxsoosaarka oo ah dadkii waxa la soo saaro iibsanayay oo uu saameeyay hoos u dhaca dhaqalaha aduunka soo food saaray”

Walaacan laba dhinaclaha ah ee isbiirsaday, waxa uu sababayaa cuno yaraan saamayn wayn ku yeelata dunida 3aad, ee aan waxsoosaarka lahayn

Caro ka Dhalatay Dhaqaatiir ku Talisay In Africa Lagu Tijaabiyo Talaalka Caronavirus.

Labo dhaqtar oo u dhalatay dalka Faransiiska ayaa ku baaqay in talaalka looga hortago cudurka dunida ku faafaya ee Caronavirus lagu tijaabiyo qaarada Afrika si loo ogaado talaalkaasi tayadiisa.

Dhaqaatiirtan oo ka hadlayay telefishin kuyaala dalka Faransiiska ayaa ka hadlay dhibaatada cudurka Caronavirus iyo sida loola dagaalami karo, waxa ayna sheegeen in muhiim tahay in talaalka cudurkan lagu tijaabiyo dadka Afrikaanta ah.

Hadalkan kasoo yeeray Dhaqaatiirtan ayaa si kulul waxaa u cambaareeyay dad badan oo Afrikan ah oo magac ku leh dunida, waxaa sidoo kale hadalka dhaqaatiirtan cambaareeyay ururada kasoo horjeefa midab kala sooca.

Ciyaaryahankii hore ee xulka Qaranka Côte d’Ivoire iyo kooxda Chelsea Drogba ayaa sheegay in Afrika aysan aheyn sheybaar lagu fuliyo tijaabooyinka halka Xidigii hore ee Camerona iyo Barceola Eto isna sheegay in Dhaqaatiirtan yihiin dilaayaal.

Baraha bulshada ayaana si weyn looga fal celiyay hadalkan kasoo yeeray Dhaqaatiirtan u dhalatay dalka Faransiiska ee ku baaqay in tijaabada cudurka Caronavirus lagu tijaabiyo dadka Afrikaanta ah.