War-murtiyeed Laga soo Saaray Shirka Golaha Wasiirada Galmudug.(Akhriso)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta shir Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada maamulkaas ee Magaalada Dhuusamareeb.

Fadhiga Shirkan ayaa Madaxweyne Qoorqoor waxaa ku wehlinayay ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, isla markaana waxaa inta kasoo qeyb galay Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Shirkan ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan, waxaana kamid ahaa amniga, horumarinta dhaqaalaha, dhameystirka Dastuurka heer Federaal iyo mid dowlad Goboleed iyo Siyaasadda qorsheynta iyo Iskaashiga.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa warbixin guud ka dhageystay guud ahaa Wasiiradii kasoo qeyb galay Shirka Maanta ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Halkan ka Akhriso: