War Murtiyeed Dhinacyo Badan Taabanaya Oo Laga soo Saaray Shirkii Golaha Wadatashiga.(Akhriso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 5aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Baydhabo 15–17 Maarso, 2023.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Federaalaynta Maaliyadda dalka, Dimuqraadiyaynta iyo heshiiska Doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo DXDF, iyo Dhameystirka Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Sidoo kale, Golaha ayaa iska xog wareystay xaaladda amni ee dalka, saameynta abaaraha iyo qodobo kale.

Halkan ka Akhriso War-murtiyeedka:

(Visited 13 times, 1 visits today)