War cusub Oo kasoo Kordhay Taageerayaasha Arsenal Ee Lagu Xiray Uganda

Ciidamada ammaanka dalka Uganda ayaa xabsiga dhigay dhallinyaro kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal , kuwaa oo la xiray xilli ay u dabaaldagayeen guul kooxdooda ka gaartay dhigooda Manchester United.

Taageerayasahan la xiray oo gaarayay ilaa sideed nin oo xirnaa funnaanada kooxda ku ciyaarto ayaa guusha ay kooxdooda gaartay kaddib isugu soo baxay magaalada Jinja iyaga oo farxad la qeylinaya.

Ciidamada booliiska oo gaaray halka dhallinyaradan ku dabaaldagayeen ayaa si degdeg ah u xir xiray, waxaana booliiska sheegeen in dhallinyaradan la xirxiray aysan fasax u heysan in dabaaldeg sameeyaan.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in lasii daayay kooxda dhallinyarada ah ee dabaaldega loo xiray, waxa ayna booliiska sheegeen in ragan la daayay la siiyay digniin ku aadan in aysan mar kale u laaban isku soo baxan oo kale.

Dalka Uganda waxaa ku badan taageerayaasha kooxaha ka ciyaara horyaalka Ingiriiska, gaar ahaan kooxda Arsenal oo sannadkan wacdaro dhigaya ,dagaalna ugu jira sidii ay horyaalka u qaadi lahaayeen.

(Visited 4 times, 1 visits today)