Wafidi Uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Oo Gaaray Muqdisho.

Wafdi ka socday dowladda Federaalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaas Itoobiya Mogamed Rafie Abaraya ayaa duhurnimadii Maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo soo dhaweyn loo sameeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya C/fataax C/llaahi Xasan iyo Saraakiil kale.

Wafdigan ayaa hordhac u ah wafuud kala duwan oo lagu wado in ay soo gaarayaan dalka, kuwaas oo ka qeyb galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaceysa 9-ka bishan.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddiga qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha, kuwaasoo ka shaqeynaya habsami u socodka xafladda oo ay ka soo qeyb galayaan Madaxweynayaal, Wasiiro Arrimo dibedeed, danjireyaal iyo mas’uuliyiin ka kala imaaneysa dowladaha caalamka.