Wafdi Uu Hot-kacayo Wasiir Dawlaha A.Dibada Itoobiyo Oo soo Gaaray Hargaysa.(Sawiro)

Wafti uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibada dalka Itoobiya Ridwaan Xuseen, ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Kusimaha Wasiirka wasaaradda arrimaha debada Somaliland Liiban Yuusuf Cismaan, oo uu madaxweynuhu sacado ka hor u magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka, ayaa soo dhaweeyay waftiga markii ay soo caga dhigteen madaarka Cigaal ee Hargaysa.

Ilaa iyo hada ma jiraan wax war ah oo ay kasoo saaraan safarka wafdigan wasaarada arrimaha dibada Itoobiya iyo xukuumada Somaliland.

Socdaalka Waftiga ayaa kusoo beegmay wakhti isbdal lagu sameeyay masuuliyiinta wasaarada arrimada dibada Somaliland, oo loo magacabay wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub.

(Visited 1 times, 1 visits today)