Wafdi ka Socday Maamulka Puntland Oo Gaaray Magalada Badhan.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo, Gudoomiye ku xigeenka 1aad avv.Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan DFS iyo Puntland, Isimo, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Badhan kaga qayb galay aas qaran oo Loo sameeyey Afhayeenkii isimada Puntland, marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Gudoomiyaha ayaa salaatul Jinaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ahaa hormuudka Golaha dhaqanka Puntland, kana shaqeyn jiray nabadeynta iyo xallinta khilaafadka bulshooyinka.

“Waxaan maanta halkan ku aasnay marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo kamid ahaa tiirarka Dowladnimada Puntland, Alle naxariistii Jano ha siiyo inagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa Golaha dhaqanka, eheladiisa iyo guud ahaan bulshada Puntand ” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland.