Wafdi ka Socda Dowladda Somaliya Oo Maanta Gaaray Magalada Garoowe.

Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

Wafdiga oo ay ku jiraan Wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyin ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland.

Ujeedka Socdaalka wefdiga ka socda dowaldda Soomaaliya ee tegay Magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu sheegay wareejinta maxaabiis muddo Garoowe ugu xiran burcadbadeednimo.

Dhawaan Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa tegay Magaalada Garoowe, iyaga oo Puntland kala hadlay sidii Maxabista Reer Galmudug eek u xiran Xabsiga Garoowe loogu wareejin lahaa dowladda, iyada oo Puntland ay ogolaatay.