Wada-hadal Nabadayn ah Oo Laga Dhex-waday Ahlusunna iyo M/Qoorqoor Oo Fashilmay

Waxaa fashil ku dhamaatay Waanwaan muddo ku dhow labo todobaad laga dhex waday Maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna hubeysan ee ku sugan degaanka Bohol ee gobolka Galgaduud

Taliyaha guutad 6aad ee ciidanka Xoogga dalka General Laba-Afle oo hogaaminayey xubnaha nabadeynta waday oo ka soo laabtay degaanka Bohol ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay ku sheegay in Ahlusunna ay ka socon weysay dedaalkii nabadeed ee ay wadeen.

“Dadaal dheer ayaan sameynay saraakiil ahaan, waxaan Bohol joognay 12-maalmood si aan ragga halkaas jooga uga baajino in dhiig dambe daato balse way naga diideen wax kasta oo aan xal ahaan u wadney, iyagoo ku adkeystay aragti aan soconeynin oo uu horey u sheegay hoggaamiyohooda, waana ka soo laabaney.” ayuu yiri General Laba-Afle.

Taliye Laba-Afle ayaa uga mahad celiyay Madaxwayne Qoorqoor sida uu fursadan u siiyay, isagoo sheegay in go’aanka nimankaasi laga qaadanayo yahay mid u yaala dowlada iyo cidii amniga shuqul ku leh.

Kooxda hubeysan ee Ahlusuna oo dhowaan dagaal looga saaray degmada Guriceel ayaa abaabul ka wada degaanka Bohol, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu dhexmaro iyaga iyo ciidamada Galmudug, maadaama ay fashilantay waanwaantii la waday.