Wada-hadal Dhex-maray Wasiirka Arrimaha Gudaha Serbia Iyo Safiirka Somaliya.(Sawirro)

Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Serbia

Danjiraha ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Serbia Mudane Aleksander Vulin, labadda dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga Siyaasadda iyo Amniga oo aad muhiim ugu ah labadda Dal ee saaxiibada ah.

“Serbia waa saaxiib muhiim ah, marka loo eego xiriirka soo jireenka ah iyo kaalinta dhismaha dowladnimada Soomaaliya ee sida wanaagsan u socota” ayuu yiri danjiraha.

Kulanka ayaa ku dhamaaday is faham iyo iskaashi joogto ah oo ay yeeshaan labadda Dal, gaar ahaan dhica tayeynta Hay’addaha Nabad-geliyadda ee Dolwadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

(Visited 7 times, 1 visits today)