Waalidiinta ay ka Maqan-yihiin Caruurtooda Dacwad Culus U Gudbiyay Xeer-ilaalinta Somaliya.(Akriso)

Waalidiinta ay caruurtooda kaga maqan yihiin Eritrea ayaa dacwad cabasho ah u gudbiyey Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, si uu u furo baaritaan ku aadan arrintaas.

Qoraalka cabashada ah ee ay Xeer ilaaliyaha guud u gudbiyeen waalidiintan ayaa eedeynta u weyn ee qaadista caruurtooda dusha u saareen madaxda sarre ee waqtigooda uu dhamaaday.

Qoraalka oo ay ku saxiixnaayeen 12 kamid ah Waalidiinta caruurtooda Askarnimada loogu qaaday Eritrea ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyartooda sifo sharci darro ah tobabarka loogu geeyay dalka Eritrea.

“Nidaamka loo qoray carruurteena wuxuu ahaa mid baalmarsan nidaamka sharciga ah ee qorista ciidamda Dowladda, maadama uu ahaa mid lagu khiyaanay anaga iyo ubadkeena, islamarkaasna naloo sheegay in ciidamada loo qaadayo dalka Qatar si loogu soo tobaabro Ciidan Qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka dacwada furista ah ee waalidiintu gudbiyaan ayaa lagu sheegay in caruurtooda ay awoodi waayeen inay si xornimo leh ay ula soo xiriiran, kadib markii loo diiday inay wax xiriir ah la soo sameeyan.

Ugu dambeyntiina waxay waalidiintu ku codsadeen qoraalkaas in dacwad lagu oogo cid kasta oo ku lug yeelata dhagrida iyo khiyaanada lagula kacay iyaga iyo ubadkooda, laguna geeyay dal aan hore loogu sheegin, aysanna rabitaankooda ku tegin

Qoraalka Waalidiintan oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Shabakada Awdalmedia ayaa udhignaa sidan: