Ururka Suxufayiinta Somaliya Oo Deeq Lacageed Gaarsiiyay Qoyska Weriye Lagu Dilay Afgooye.

Ururka Suxufayiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa shalay deeq lacageed oo dhan €1500 gaarsiiyay qoyskii uu ka baxay ALLAHA u naxariistee Wariye Cabdiwali Cali Xasan Online oo 16-kii bishan koox hubeysan ay ku dileen dagmadda Afgooye ee Gobalka Shabeeladda hoose.

Agaasimayaha Radio Kulmiye Burhan Diini Faarax, oo ah agaasimaha idaacada Kulmiye, oo si dhaw ula shaqeynayay suxufiga la dilay ayaa yiri ” wuxuu ahaa wariye jecel shaqadiisa iyo inuu wargaliyo shacabka isla markaana soo tabiya warar muhiim ah iyo arimaha saameeya dadka reer shabeelaha Hoose

Agaasimaha Bariga iyo bartamaha Africa Universal tv Cabdullaahi Xirsi ayaa isna yiri “waxaan ugu yeerayna hay’adaha amniga inay si dhakhso leh wax u qabtaan isla markaana caddaaladda horkeenaan kuwii ka dambeeyay dilkii wariye Online oo ah mid aanan waxba galabsan”

Nabdoonaanta suxufiyiinta ayaa ahmiyad weyn noo leh waxaanan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta ay qusayso inay ilaashadaan saxafiyiinta ayna soo afjaraan qaabkan foosha xun ee dilalka. Waxaan sidoo kale doonayaa inaan uga mahadceliyo Free Press Unlimited jawaab-celintooda degdegga ah iyo taageerada joogtada ah xilliyadan adag. ” Abaadir Cabdulqaadir Cilmi Gudoomiyaha FESOJ ayaa yiri.

Maxamed Cali Xasan, walaalkiis ka weyn saxafiga ah la diley ” Xaqiiqdii tani waa wax aan la aqbali karin, sidaa darteed qalbiyadeenu weligood ma xasilli doonaan illaa inta dambiileyaasha la hayn doono oo dabagal lagu sameyn doonno”

“FESOJ waxay si dhaw ula socon doontaa xaaladaha nololeed ee labada agoon ee Maxamed Cabdiweli iyo Meecaad Cabdiweli oo ay wada shaqeeyaan saxafigii dhintay” Mohamed Ibrahim Moalimuu Xoghaynta Guud ee FESOJ.

Ugu Danbayntii, FESOJ ayaa garab istaag u muujisay caruurta, iyo xaaskii Wariye Cabdiwali iyadoo sidan oo kale FESOJ ay horay u caawisay qoyska Wariye Gacma Dheere oo isna ku dhintay qaraxii Kismaayo ka dhacay sanadkii aynu ka soo gudubnay.