UNICEF Oo Amaantay Tayada Iyo Waxtarka Mashaariicda JPLG-ga Ee Maamulka D/Boorama Fuliyay

Masuuliyiin ka socday hayada Unicef oo iyadu ka wakiil ah hayadaha caalamiga ah eek u bahooobay mashaariicda JPLG-ga ayaa maanta xarunta dawlada Hoose ee dagmada Boorama kulan kula qaatay Maayirka degmada, Xoghaya Degmada, iyo hawlwadeenada D/Hoose uqaabilsan mashaariiicda isku-dhafka ah ee loo yaqaan JPLG-ga.

Kulankan ayaa intii uu socday waxa maayir Maxamed Axmed Warsame Baradhe, iyo Xoghayaye Cabdilaahi Cudad Raage ay warbixin kaga siiyeen hayada UNICEF ilaa iyo hada waxa u qabsoomay ee ay ka qabteen qaybtii ku aadanayd D/Hoose ee mashaariicda maamul-daadajinta lagu sameeyay ee JPLG-ga gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, biyaha iyo Waxbarashada.

Wixii intaas ka dambeeyay ayaa saraakiisha Unicef ks socday iyo madaxda D/Hoose oo ay weheliyaan isku duwayaasha Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Khayraadka Biyahu ay kormeereen xaalka runta ah ee mashaariicda ay madaxda dawlada Hoose magacdhawday ee ay tilmaantay inay flisay una hirgaleen oo ay fuliyiin intii u dhaxaysay lixdii bilood ee sanadkii tagay ee 2021 iyo lixda bilood ee sanadkan socda ee 2022.

Waxa ay booqdeen ugu horaynti MCH-ka Xaaji Nuur, MCH-ka degaanka Tuur-qaylo, Dugsiga Hoose Dhexe ee Good ee xaafada Sh. Cali Jawhar iyo Ceelbiyood laga qoday degaanka Old-camuud oo ay shirkada shaaba ka faaiidaysanayso, iyaga oo markaas ku qancay hawsha ay qabatay D/Hoose ee Boorama ee uu hogaamanayo Maayar Maxamed Axmed Warsame ay qabatay

Intaas wixii ka dambaysay waxa ay masuuliyiintan si wada jir ah u soo dul joogsadeen balayga Cara-garanuug oo maanta ah mid sii aasmaya, meeshana ay ka sii baxayso faaiidadii ay bulshada xoolo-dhaqatada ah ee degaanadaasi ka heli jireen.

Intii lagu sugnaa Balayga Cara-garanuug ayaa waxa ay hayada UNICEF balan qaaday inay dhoobo qaad ku samayn doonto balaygan si dib loogu soo celiyo kaalintii muga lahayd ee uu ugu jiray waraabka dadka iyo duunyadaba, waxana talaabadan soo dhaweeyay madaxda degmada Boorama.

Si kstaba ha ahaatee Mashaariicda JPLG-ga ayaa loogu talo galay hormarinta magaalooyinka iyada oo markaas mashaariicda qorshaysan ee ay magaalooyinku soo qorteen ay yihiin kuwo ay kharashaka maalgalintooda iska kaashanayaan Hayadaha caalamiga ah, Xukuumada dhexe, iyo Dawladaha hoose ee dalka ee mashaariicdan JPLG-ga ka faaiidaysta

(Visited 7 times, 1 visits today)