UK Oo Caawa Ka Baxaysa Midawga Yurub Iyo Dareenka Ku Xeeran.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa caawa saacadu marka ay tahay 11ka Waqtiga UK kuna beegan 2da Saqda Dhexe ee Saacada Bariga Africa xaalad hubaal la’aan ah uga bixi doonta midawga Yurub, waxana ay tan noqonaysaa isbedelkii ugu cuslaa ee UK soo food saaray tan iyo burburkii boqortooyadii lagu tilmaamay mid aan qoraxdu ka dhicin iyo mudo ku siman 70 sano oo ay qayb ka ahayd dadaalo lagu joojinayay midnimada iyo dib u dhiskii reer Yurub ee wixii ka dambeeyay burburkii dagaalkii 2aad ee dunida.

Britain ayaa midawga Yurub ku biirtay sanadkii 1973kii, waxana ay Midawga Yurub saacad ka hor saqbadh-ka caawa waayi doonaan wadan uu ka soo galo 15% dhaqaalaha Yurub, Deeq-bixiyahii ugu waynaa ee dhinaca Milatariga iyo xaruntii sarifka suuqa lacagaha.

Raiisel wasaare Boris Johnson ayaa khudbad uu telefishanka ka jeediyay ka gaabsaday in uu faahfaahiyo masiirka Boqortooyada iyo qorshahiisa ka bixitaanka Midawga Yurub kadib, marka laga reebo ereyo kooban oo dhiiri galin ah waxana uu yidhi “Waxa mar dhaw la gaadhayaa waqti boqortooyada waa cusub u baryayo, loona baahan yahay in sidiisa aan u wajahno”

Marka laga reebo in astaan ahaan ay UK dib uga laabatay 47 sano oo ay xubin ka ahayd Midawga Yurub, wax muuqda oo isbedel ah lagama yaabo in uu dhaco tan iyo dabayaaqada sanadkan 2020, oo ah waqtigii uu Johnson ballan qaaday inuu heshiis ganacsi oo ballaaran oo xor ah la gali doono Midowga Yurub oo ah isbahaysiga ugu balaadhan caalamka ee ganacsi xor ah uu ka dhaxeeyo.

Taageerayaasha, Brexit waxa ay riyadoodu tahay in saacadaha soo socda ay la micno yihiin”maalin madax-bannaan” oo UK ay dib uga guratay wax ay u yaqaanaan Mashruuc uu xuurto ku haystay Jarmalku oo ay ku qasaaraan 500 oo milyan oo qof oo aaga sumada Midawga Yurub.

Tan badalkeedaa ayaa kooxda guul daraysatay ee Brexit lagaga adkaaday ay aaminsan yihiin in talaabadan ay tahay midnacasnimo ah oo daciifin doonta haybadii reer Galbeedka, tusaale guracanna u noqon doonta inta ku hadhay Midawga Yurub, sidoo kalena wiiqi doonta dhaqaalaha Boqortooyada Ingiriiska, ilaa laga gaadho in UK-dii saamaynta ku lahayd dunidu ay noqoto Jasiirad ka mid ah Jasiiradaha ku yaala woqooyiga badwaynta Atlantikada.

Si kastaba ha ahaatee Faa’iido iyo Qasaaro mida ay xambaarsan tahay Brexit UK way u badheedhay, waxa ay dhashona waxa uu noqondoonaa dhaxal maguurto oo u hadha jiilka Sookoraya ee reer Ingiriis.